Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay waxa ay hawlgal ka sameeyeen qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Halwgal si gaar ah looga sameeyay xaafado ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo qabtay koox burcad ah oo dhac ku geysan jiray Bastoolado caag ah iyo sidoo kale rag ku labisan dharka dumarka.
Maamulka degmada Hodan ayaa sheegay iyaga oo ku guda jira hawlo amni xaqiijin ah in ciidamada ammaanka ay qabteen Dhalinyaro wadatay Bastooladio caag ah, oo dadka telefoonada uga dhici jiray.
Guddoomiyaha degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo ayaa waalidiinta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si dhaw ula socdaan dhaqdhaqaaqa caruurtooda, maadaama mararka qaar ay dhacdo in ay faraha la galaan falal ka baxsan ammaanka.