Reysulwasaare Xasan Cali Kheyre oo Maanta Booqday Xerada Belidoogle

0
85

Ra’iisul dowlada federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagay Garoonka Balli-Doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo ah saldhig ciidamada Mareykanka ku tababaraan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaano Danab.

Garoonka Balli-Doogle aya hadda waxaa ay xero militari u tahay ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandooska Soomaaliya iyo ciidamo ka tirsan howlgalka AMISOM.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha ku tagay xeradaas ayaa ahaa kii labaad, isagoo sanadkii hore sidan u booqday, waxaa kormeerka maanta ku wehliyay wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Xasan Cali, abaanduulaha ciidamada xoogga dalka iyo mas’uuliyiin kale.

Dhawaan ayeey aheyd markii ballaarin lagu sameeyay garoonka Balli-Doogle oo ah meel istiraatiiji ah, waxaa u qeybsan yahay dhowr qeybood oo isugu jira qeybo diyaaradaha ka soo degaan iyo qeybo kale.