Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan looga hadlaayay Amaanka degaanka Tukaraq ee gobolka Sool waxaa uu la qaatay wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.
Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa waxaa uu ku sugan yahay dalka Jabuuti, waxaana sababaha uu u tagay ka mid ahaa sidii Madaxweynaha Jabuuti uu kaga qeyb qaadan lahaa xasilinta gobolka Sool.
Sidoo kale Keating waxaa uu uga warbixiyay Madaxweyne Geelle xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, isagoo u sheegay inkasta ay jiraan caqabado badan, balse horumaro la sameeyay ay jiraan.
Kulanka labadda mas’uul ayaa waxaa si wayn looga hadlay xiisadda colaadeed ee ka dhaxeysa Puntland iyo Somaliland, taasoo salka ku haysa maamulka gobolada Sool iyo Sanaag.
Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa wali hawadda iskumarinaya Hanjabaado , waxaana culimadda iyo waxgaradka labada dhinac ay ku guuldareyteen xasilinta Xiisadda Tukaraq.