Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u kicitamay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb geli doonaan Shir Madaxeed deg-deg ah oo waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, hoggaanka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ay kaga arinsanayaan xasilinta dalka Koonfurta Suudaan.
Hoggaamiyeyaasha 8da dal ee ku bohoobay Ururka IGAD ayaa muddo hal maalin ah oo shirka socanayo, waxa ay dib u eegis ku sameyn doonaan qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku saabsan dib-u-soo celinta nabadda Koonfurta Suudaan, qodobadii laga fuliyey heshiisyadii horey ay u kala saxiixdeen dhinacyadii ku dagaallamay dalkaas iyo caqabadaha haatan hortaagan in ay ka hana qaaddo xasillooni buuxda.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa hor dhigi doona Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan in la xoojiyo nabad galyada Gobolka, lana soo afjaro dhammaan colaadaha sokeeyo.
Si kastaba arintu ha ahaatee Shirarka ay isugu imanayaan madaxda igad ayaa inta badan wax kasoo baxaa aysan jiran, Taasoo sabab u ah in go,aan kasta oo ay gaaraan uusan noqon mid dhaqan gala.