Reysulwasaraha Xukumada Federaalka Somaliya oo Xaley Magalada Oslo Kula Kulmay Jaaliyada Somaliyeed

0
61

Ra’iisal Wasaaraha xukumada federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo magaalada Oslo kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway ayaa faah faahin ka bixiyay heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay wada galeen.

Kheyre ayaa sheegay in ay jiraan sida dad ka soo horjeeda in ay dowladnimada oo wax walbana siyaasadeeya, waxaana uu intaa ku daray in aysan jirin Dekaddo la siiyay Itoobiya, balse dekedaha ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay la kulmeen ra’iisal wasaaraha Itoobiya, wada hadalna yeesheen, intaasi kadibna ay soo saareen war-murtiyeed khuseeya kulankooda, balse halkaasi uusan ka dhicin wax heshiis ah.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa habeen ka hor wuxuu TV-ga dowladda kala hadlay shacabka Soomaaliyeed, isaga oo u faah faahiyay heshiiskii dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya.