Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ayaa rag ku labisan dareyska milateriga dowlada ku eedeeyey in ay deeganada koonfu galbeed ka geystaan falal aad u xun oo ka mid ah Dil, Kufsi Jirdil iyo weli dhac.
Xildhibaanka iyo xildhibaano kale o kasoo jeeda koonfur galbeed ayaa maalintii shaley waxaa ay kulan la qaateen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka iyadoo la wadaagay dhibaatada baaxada leh oo ay ciidamada dowlada ku hayaan shacabka ku dhaqan deeganada koonfur galbeed.
Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo la hadlay la hadley warbaahinta ayaa sheegay in bishan June gudaheeda la kufsaday 19 gabdhood, oo 11 ka mid ah gabdhahaasi hal maalin la kufsaday.
Ma aha markii ugu horeysay oo ay kooxdan ku labisan dareysaka ciidanka xooga dalka ay dhiibaateeyaan shacabka kasoo jeeda deegaanadaas, Balse waxaa ayaan daro ah in weli uusan ka hadlin ruuxa sheeganaya inuu madaxweyne ka yahay deegaanada dhibta ka taagan tahay.
Halkan hose kaga dhegeyso Mobilkada