Maxkamada Ciidanka Maamulka Jubaland oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay 3 Nin oo Dembiyo Horey u Geystey

0
79

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamul goboleedka Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay sedex nin oo ku eedeysnaa in ay magaalada Kismaayo ka geysteen dilal.

G/dhexe Sheekh Max’uud Isxaaq oo kamid ah garsooreyaasha Maxkamadda racfaanka ciidamada qalabka sida ee Jubbaland oo warbaahinta la hadlay kohor inta aan xukunka la fulin ayaa sheegay in maxkamadda racfaanku ku raacday maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ee Jubbaland xukunka ay ku riday ragan, isagoo sheegay in uusan jirin racfaan ay qareennada iyo ehellada eedeeysaneyaasha ay ka qaateen xukunka maxkamadda.

Raggan oo lagu toogtay garoonkii hore ee diyaaradaha ee Akadeemi oo ku yaal waqooyiga magaalada Kismaayo ayaa kala ahaa.

1- Cabdullaahi Asad Ismaacil oo ku eedeeysnaa dilka xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Muxubo Maxamed Guure.

2- C/rashiid Axmed Xasan oo ku eedeysnaa dilka Maxamed Cabdullaahi Xirsi.

3- Aadan Cabdi Muumin oo ku eedeysnaa dilka Cawil Colow Xasan, dhammaan raggan ayaa ka kala tirsanaa ciidamada Booliska, Daraawiishta iyo Nabadsugidda Jubbaland.