Waxaa beryahan magalada muqdisho ka socda dadaalo dhinacyo badan ah oo lagu xalinayo Khilaafka u dhaxeeyo Madaxda ugu sareeyo Maamulka Galmudug,kaasi oo salka ku haya dastuurka Maamulkaasi.
Madaxweyne Xaaf ayaa la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu u gudbiyay in xukuumadda Soomaaliya ay tuhunsan yihiin in ay ku lug leedahay khilaafka u dhaxeeya hoggaanka sare ee Galmudug, Madaxda sare ee dowladda dhexena loo baahan yahay in ay faragelinta ka daayaan Galmudug.
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir ayaa waxa ay beeniyeen jiritaanka in xukuumadda Soomaaliya ay faragelin ku heyso Galmudug, laakiin ay sheegeen in ay iyagu ay diidan yihiin isbedel lagu sameeyay qodobada qaar ee Dastuurka.
Dhinaca kale Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa la sheegay in uu ku soo wajahan yahay magaalada Muqdisho, si uu qeyb uga noqdo wada hadalka lagu heshiisiinayo Madaxda Galmudug.