Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee maanta qarxiyay mid ka mid ah Buundooyinka loo maro degmada Qoryooley oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Buundadan ayaa si gaar ah u dulmarta Kanaanlka la yiraahdo Birimo Sugantario oo waraabiya Beeraha ku yaalla deeganaada ku dhaw degmada Qoryooley ee gobolkaasi.
Gudoomiye kuxigeenka dhanka Maaliyadda gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax Xaaji oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in halkaasi ay baxeen ciidamo ka tirsan dowladda, wixii ka soo baxana ay dib ka soo sheegi doonaan.
Buundadan ayaa waxa ay aheyd Buundo ay isticmaalaan shacabka gobolka ku safra gaar ahaan Beeraleyda, sidaasi darteeda maamulka ayaa sheegay iyaga oo ka duulaya in la go’doomiyo degmada Qoryooley inay si deg deg ah u dhisi doonaan Buundadaasi.