Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Shacabka Somaliyeed uga Hambalyeeyey Munaasabada1da Luulyo

0
44

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 58-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labada qeybood ee dalka, taasoo asaas u noqotay curashada Jamhuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuskan oo lagu qabtay Aqalka dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in haddii facii naga horreeyay ay dhidibada u taageen qaran xor ah oo calan iyo cudud mideysan leh, kana tilmaamnaa Qaaradda Afrika iyo caalamkaba in dadka haatan joogana ay dib u yagleeli karaan qaran iyo dawladnimo ka qurux badan kuwii hore.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dareenka midnimo iyo wadajireed uu ku dhex nool yahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, inkastoo duruufo adag ay soo mareen.

Munaasabadda 1-da Luuliyo waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiye K/xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda iyo Taliyeyaasha ciidammada.