Magalada Muqdisho oo Noqotey Goobta Lagu Ugaarsado Ergadii Wax Kasoo Dooratay Xildhibanada

0
38

Koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe ku dilay magaalada Muqdisho oday dhaqameed ka mid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaanada Golaha shacabka.

Dilkan ayaa ka dhacay degmada Dharkeenley, waxaa oday dhaqameedka la dilay lagu magacaabi jiray Ibraahim Cali Xassan, kaasoo ka mid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaanada golaha Shacabka ee deegaanada Koofur Galbeed.

Raggii dilka ka dambeeyay ayaa baxsaday, iyadoo goobta dilka ka dhacay ay gaareen ciidamada amaanka, kuwaasoo aan u suura gelin inay soo qabtaan kooxihii dilka geystay.

Magaalada muqdisho ayaa noqotey goobta lagu ugaarsado eragada wax kasoo dooratay xildhibaanada kasoo jeeda koonfur galbeed taasoo aysan jirin ilaa iyo hada cid ka hadasha ama soo qabata kooxaha falalkaas geysta.