Xukuumada oo Cambaareysey Madaafiid Lagu Garaacay Degmada Wadajir

0
46

Xukumada ayaa cambaareysay weerarkii Madaafiicda ahaa ee ka dhacay degmada Wadajir 1-da Luulyo 2018, Dowladda Federaalka ayaa tacsi tiiraanyo leh dirtay Qoysaska dadkii noloshooda ku waayay weerarka, iyadoona u rajeysay kuwa ku dhaawacmay in si deg deg ah Alle u bogsiiyo.

Madaafiicda ku dhacday degmada Wadajir oo tiro ahaan lagu qiyaasay ilaa Lix xabo ayaa waxaa ku geeriyooday Afar qof, halka ay ku dhaawacmeen Sideed qof oo kale oo ay ku jiraan caruur dhiganeysay dugsi Qur’aan.

Ciidamada amniga iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayay dowladdu ku amaanatay sida deg deg ah ee ay uga jawaabeen dhacdadan, maadaama ay tageen goobihii loo maleynayay in laga soo tuuray Madaafiicda.

Ugu dambeyntii Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku celisay in falalka argagixisanimo aysan Soomaaliya ka saari doonin waddada nabadda iyo dhismaha dawlad-goboleedyada.