Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxda AMISOM Amb. Francisco Madeira, kaasi oo quseeyay tabasho uu qabay Aqalka Sare.
Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Kuxigeenada Aqalka Sare ee Baarlamaanka, waxaana si gaar ah looga hadlay dhacdadii ciidanka AMISOM bishii Jun ay ugu diideen inuu Garoonka ka dhoofo Guddoomiyaha Aqalka Sare, inkastoo markii dambe muran dheer kadib la fasaxay.
Amb. Francisco Madeira ayaa raali gelin buuxda ka bixiyay falkii lagu xayiray Guddoomiye Cabdi Xaashi, wuxuuna balan qaaday in mar dambe aan arrintan soo laaban doonin, sidoo kale waxay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada Hay’adood.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulalahi ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay kulanka dhexmaray labada dhinac iyo raali gelinta AMISOM, wuxuuna aad u amaanay kaalinta ay AMISOM kaga jirto nabadeynta Soomaaliya.