Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay in dakadda Magaalada Hobyo ay ka difaacayaan Itoobiya, kadib markii Gudoomiyaha Shabaab ugu magacaaban Gobolka Mudug uu ka hadlay arrimaha dakadda Hobyo.
Sheekh Abuu Cadnaan oo ah ninka Shabaab u qaabilsan Gobolka Mudug, ayaa wuxuu tilmaamay in dowladda Itoobiya ay damacsan tahay qorshe ay ku doonayso inay ku isticmaasho dakadda Magaalada Hobyo.
Sarkaalkan Shabaab ka tirsan, ayaa wuxuu sheegay Madaxweyne Farmaajo dakadaha uu siiyay Itoobiya inay ka mid tahay Dakadda Magaalada Hobyo, balse aysan suuragal noqon doonin in Itoobiya ay isticmaasho dakadaasi.
Wuxuu tilmaamay in Shabaab ay joojiyeen dhismaha wado isku xireysa dakadda Magaalada Hobyo iyo dhulka Soomaalida Galbeed ee Dowladda Itoobiya haysato wadadaas oo marta duleedka Degmada Goldogob.