Wasiirka Gaashaandhiga oo Kulan La Qaatay Saraakiil Ka Socda Mareykanka iyo Yurubiyan Unionka

0
79

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa xafiiskiisa kula kulmay saraakiil ka socota howlagalka Mareykanka ee Soomaaliya, Midowga Yurub iyo saraakiisha xeradda tababarada TURKISOM ee lagu tabbabaro ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Kulanka, ayaa waxaa looga hadlay dardar gelinta tayaynta iyo qalabeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo u diyaar garowga ka bixitaanka ciidanka AMISOM, kaas oo loogu magac daray qorshaha kala guurka.

Wasiirka ayaa sheegay in kulanka sidoo kale looga wada hadlay qorshaha wada shaqeyneyd ee arrintaas ku aadan oo ay wada yeelanayaan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo hey’adaha caawiya dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Kulanka, oo qaatay saacado badan, ayaa labada dhinac waxaa ay isla garteen ahmiyadda ay leedahay in qorshaha dib u dhiska ciidanka xoogga dalka ee Wasaaradda Gaashaandhigga ay hormuud ka tahay loo baahan yahayin si wadajir ah looga wada shaqeeyo.