Xog:-Milkiilaha Maamulka Koonfur Galbeed oo Raba inuu Isbedel Ku Sameeyo Xildhibanada uu u Arko Iney Mucaarad Ku Yihiin Doorashada Ka Hor

0
100

Warar aynu ka helney magalada baydhaba ayaa sheegaya in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu bilaabay in uu mid mid xasaanada xildhibaanimo uga qaado dhamaan xildhibanada mucaaradka ku ah.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in dhawaan magalada baydhabo looga yeeray suldaanka beesha dabare Siiday Maxamed Nuur, si uu u bedelo xildhibaanka beesha dabare uga tirsan maamulka koonfur galbeed xildhibaankaas oo lagu magacaabo Cusmaan Macalin.

Xildhibaan Cusmaan Macalin ayaa ka mid ahaa xildhibaanada sida aadka ah uga soo horjeeday qaab dhaqanka Shariif Xasan wuxuuna dhowr jeer golaha baarlamaanka koonfur galbeed ka codsaday in lala xisaabtamo Shariif Xasan iyo golihiisa wasiirada, Taasi ayaana keentey in Shariifka uu Xildhibaan Cumsaan u arko mid qatar ku ah jiritaanka xukuumadiisa.

Waxaa kaloo jira warar sheegaya in asna la rabo in xasaanada laga qaado laguna bedelo ruux kale Xildhibaan Cali Xasan oo ka mid ah xildhibanada maamulka koonfur galbeed, Xildhibaan Cali Xasan ayaa inta badan waxaa uu isna ka hadlaa sharci darada maamulka uu ku dhaqmo iyo sidii loo sixi lahaa.

Isku soo wada duub khaladaadkan iyo caga jugleynta uu Shariif Xasan ku hayo xildhibanada maamulka koonfur galbeed ayaa waxaa u sahley gudoomiyaha barlamaanka maamulkaas oo jaabka Shariif ku jira isla markaana asaga meesha keensadey, Waxaa kaloo ayana uu garab buuxo ka heystaa odey dhaqmeedyo dhuuni raac ah oo ilaaway danaha bulshada ay matalaan.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa nasiib daro ah haddii ay ka dhiidhin waayaan inta damiirka leh ee ku jirta baarlamaanka maamulka koonfur galbeed iyo weliba odeydhaqameedyada kale walow aysan harin odey dhaqameed ka shaqeynaya danaha shacabka ay matalaan.