Ra’isul wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale ku Celiyay in ay laali doonaan dhammaan dhaqamada xun oo uu kamid yahay Musuq-maasuqa.
Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay inay la dagaalamayaan shaqsiyaadka ku sifoobay Musuqa iyo Khilaafka waxa uuna tilmaamay inaan loo dulqaadin Karin in laaluush la qaato.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay horay u socoto, lana aqbali doonin, wax kasta oo dib u dhigaya, isagoo ku tilmaamay kuwa wada musuqmaaasuqa inay doonayaan in dib ay u dhigaan dalka.