Kooxo ka Tirsan Alshabab oo Maanta Nabadoon Ku Diley Degmada Deyniile

0
56

Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa waxa qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ku dileen Oday dhaqameed ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Deerow Dhaqane Maxamed,waxana la sheegay in dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen dilka Nabadoonka, waxaana ay sheegeen in ay beegsadeen dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Ma aha markii ugu horeysay oo ay alshabab uggaasadaan ergooyinkii wax kasoo doortay gololaha baarlamaanka ilaa iyo hadana ma jirto xukuumada cid ay usoo qabatay, Taasina wexey ku tuseysaa in xukuumada aysan ku adag tahay sidii ay gacan ugu soo dhigi laheyd dadka falalkan geysta.