Midowga Yurub oo Dowlada Somaliya Iyo Maamul Goboleedyadeeda Ku Eedeyay Iney Ku Tunteen Xuquuqda Aadanaha

0
59

Midowga Yurub ayaa dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyadeeda ku eedeeyay in ay ku xadgudubtay xuquuqda Aadanaha, islamarkaana dowladda Soomaaliya intii ay jirtay ay geysatay Xadgudubyo badan oo ka dhan ah Xuuquuqda Aadanaha.

Kulan ay yeesheen Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa lagu meelmariyay Qaraar ka hadlaya in dowladda Soomaaliya iyo masuuliyiinta maamul goboleedyada in ay hareer mareen Hanaanka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha, islaamrakana ay jiraan Xadgudubyo loo geystay dad Shacab ah.

Baarlamaanka Midowga Yurub waxa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya iyo masuuliyiinta maamul goboleedyada ay ka gaareen heerkii ugu hooseysay Xoriyatul Qowlka, Waxaana Baarlamaanku sheegay in ay jirto Caburin lagu haayo Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa dowladda Soomaaliya iyo masuuliyiinta maamul goboleedyada ugu baaqay in ay ilaaliyaan Xuquuqda Aadanaha,islamarkaana hadii ay dhici weyso ay ka fiirsan doonaan taageeradda la siiyo Soomaaliya,iyagoo si deg deg ah ugu baaqay in la saxo qaladaadka jira.