Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Maanta Gaaray Magalada Baydhaba

0
46

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta maamulka Koofur galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo waxa uu la kulmi doonaa Masuuliyiinta Maamulka Koofur galbeed, Xildhibaanada iyo guddoonka baarlamaanka maamulkaasi.

Sidoo kale waxa uu la kulmi doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degaanada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Safarka uu guddoomiyaha uu ku tagay Magaalada Baydhabo ayaa qeyb ka noqonaya safaro uu guddoomiyaha ku tagi doono magaalooyinka maamul goboleedyada dalka si uu kulamo wadatashi ula soo yeesho masuuliyiinta iyo xildhibaanada baarlamaanka maamul goboleedyada dalka.