Reysulwasaare Kheyre oo Booqday Dadkii Dhaawaca Kasoo Gaaray Qaraxii Shaley

0
61

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo uu wehliyo taliyaha ciidamada Booliiska ayaa xalay booqday cisbitaallada lagu daweynayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii shalay ka dhacxay xarunta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku naf-waayay qaraxaas, waxa uuna dhanka kale ballan qaaday in dadka ay soo gaareen dhaawacyada aan waxba looga qaban karin gudaha dalka ay dawladdu u qaadayso dalka dibaddiisa.

Waxa aan rajeynayaa Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay nagala shaqeeyaan soo afjaridda kuwaan caadeestay in ay gumaadaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamadu waa dadaaleen bilihii la soo dhaafay hadana waxaan u ballan qaadayaa shacabka Soomaaliyeed in dadaalka lasii wadi doono dowladda Soomaaliyeed ma nasan doonto inta amnigu ka hagaagayo