Reysulwasaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo Maanta Gaaray Dalka Eritrea

0
73

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa goor dhow ka degay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, taasoo ah safarkii u horeeyay oo Mas’uul Itoobiyaan ah ku tago Eritrea muddo 20 sano ah.

Abiy Ahmed ayaa booqashadiisa taariikhiga ah ay qeyb ka tahay dadaalada iyo is bedelada uu ka wado dalkiisa iyo gobolkaba.

Madaxweynaha Eritrea Isias Afwerki ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Asmara Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo wafdiga uu hoggaaminayay, waxaana booqashada si toos looga daawanayay Telefishinka dalkaas.

Tani ayaa calaamad u ah bilowga xiriirka labada dal iyo soo afjarida colaadii u dhaxeysay, waxaana Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu qaaday tallaabooyin aanay madaxdii ka horeysay aanay qaadin.