Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Dowlada oo Losoo Xerxeray Weerarkii Otto Otto

0
59

Warar aynu ka heleyno magalada muqdisho ayaa sheegaya amar kasoo baxay xafiiska Wasiirka Amniga Soomaaliya Max’ed Abuukar Islow in xabsiga loogu taxaabay 14 ka mid ah saraakiisha Ciidamada amniga dowlada Soomaaliya kuwaas oo loogu tuhunsan yahay in ay fududeeyeen weerarkii daraad lagu qaaday xarumaha Wasaaraddaha Amniga iyo Gudaha oo ku taalla xarunta gurmadka booliska Otta Otta ee magaalada Muqdisho.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kulan ay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho ku yeesheen Guddiga amniga gobolka Banaadir kaasoo ay ka qeyb galeen wasiirka amniga ku-simaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Ku-xigeenkiisa Maamulka iyo Maaliyadda, taliyeyaasha heer Federaal iyo heer gobol ee ciidamada Booliska iyo Nabad-sugidda.

Saraakiisha la xiray oo isugu jiray Boolis iyo Nabadsugid. ayay wararku sheegayaan inay taliyayaal ka ahaayeen kontroolada laga soo galo xarunta la weeraray iyo sidoo kale wadooyinka soo gala, sida wadada dabka iyo tan ka timaada degmada Howlwadaag ee G/Banaadir.

Saraakiishan ayaa waxaa si weyn loogu tuhunsan yahay iney fududeeyeen weerarkaas, maadaama dableyda weerarka fulisay ay si nabadgelyo ah ku galeen xarunta gurmadka booliska, iyadoo wadada ay yaalaan baro control oo baaritaano xoog leh ku sameeya gaadiidka.