Wefdi uu Hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Dalka Turkiga

0
77

Wefdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Ankara halkaasi oo maanta lagu wado iney ka dhacdo munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan.

Safarkan ayaa madaxweynaha waxaa ku wehliya Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cabdulqaadir Sheekh Axmed Khayr, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa iyo La-taliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha Balal Cusmaan.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha ayaa sheegay in madaxweynaha uu u tegey dalka Turkiga inuu ka qeyb qaato caleemasaarka madaxweynaha turkiga.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka soo kicitimay magaaladda Jabuuti halkaas oo ay uga soo qeyb galeen Shirka Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha iyo munaasabad lagu daah furayay Suuqa Xorta ah ee Jabuuti.