Dhegeyso: Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo Digniin u Direy Garsoorayaasha Maxkamadaha

0
103

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Baashi Yuusuf Axmed oo la hadley warbaahinta ayaa sheegay in shaqada laga ceyrin doono garsoore walbo iyo cid walbo oo ka shaqeysa Maxkamadaha dalka ee lagu helo arrimo la xiriira musuq maasuq.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in garsoorka uusan ahayn meel dhaqaale badan laga helo balse ay tahay meel loogu cadaalad falo shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa masuuliyiinta kale ee maxkamadaha dalka faray in la dhaqan geliyo isla xisaabtanka iyo nidaamka caddaalad sameysnta dadka Soomaaliyeed.

Baashe-Axmed