Dhegeyso: Madaxweynaha Maamulka Fadhiidka oo 3 Sano iyo Bar Kadib Eedeyn Usoo Jeediyey Amisom

0
55

Madaxweynaha Maamul goboleedka fadhiidka ah Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa 3 sano iyo bar kadib markii ugu horeysay ka hadley dhibta ka jirta deeganada koonfur galbeed isagoo isla markaana eedeyn usoo jeediyey ciidamada midowga africa.

Shariif Xasan iyo maamulkiisa ayaa si cad ugu fashilmey wax ka qabashada deeganada koonfur galbeed ayagoo dantii umada ay u qaban lahaayeen ka door bidey iney danahooda gaar ahaaneed ka shaqeystaan.

Eedeyna uu shariif xasan waqtiga xaadirka usoo jeediyey ciidamada amisom ayaa kusoo beegmeysa xili shariif xasan uu waqtigiisa gaba gabo sii yahay uuna ku eg yahay nov 17 2018 , Qudbadan uu shariifka ka jeediyey baarlamaanka maamulka ayaa dadka intooda badan waxaa Shariif Xassan ayaa sheegay in ay tahay mid aan xiligeeda ku habooneyn isla markaana loo baahnaa in uu mar hore ka hadlo.

Ciidamo ku labisan dareyska dowlada ayaa inta badan ku sugan waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, gaar ahan qeybta gobolka Shabeellaha hoose ayagoo isla markaana mararka qaar dhibaatooyin u geysta shacabka isaga goosha wadadaas.

Shariif mp3

Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkada

Shariif mobil