Alshabab oo Mar Kale Ka Hadashay Heshiiska Dekedaha Ay Wada Galeen Somaliya Iyo Itoobiya

0
55

Al-shabaab oo ka hadashay heshiiskii ay dhawaan gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsanaa maalgashiga dekeddaha ayaa sheegtay in ay ka hortagi doonaan wax ay ku tilmaameen damaca Itoobiya.

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu magacaabo Mahad Kaarateey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan aqabali doonin in Itoobiya ay isticmaalaan dekeddaha Soomaaliya, gaar ahaan dekedda Hobyo.

Waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay qarniyo ka hor la dagaalamayeen Itoobiya, si ay uga hortagaan damaceeda guracan ee ahaa inay qabsato dhulka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in heshiiska dekedaha lagu siiyay Itoobiya iyo hadalkii ka soo yeeray Abiy Ahmed ee ahaa in Soomaaliya iyo Itoobiya la mideyn doono uu yahay qorshe deggan oo ay qasab tahay in hoggaamiyeyaasha Itoobiya ay hirgeliyaan xoog ama xeelad midey doonaan haku keenaan.

Waxaa uu sheegay in Itoobiya ay in muddo si hoose ugu howlaneyd qorshaha la wareegitaanka Dekedaha, isla markaana ay jirto waddo laga soo bixiyay gudaha Itoobiya, lana doonayo in la soo geliyo Dekeda Hobyo oo uu xusay inay ka mid tahay dekedaha lagu wareejiyay Itoobiya.