Baarlamaanka oo Maanta Looga Doodi Doono Dhibaatooyinka Ka Taagan Wadada Xiriirisa Xamar Iyo Baydhaba

0
62

Xildhibaanada golaha shaabka ee ka soo jeeda degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in golaha shacabka BFS ay maanta horgeyn doonaan tacadiga iyo dhibaatooyinka shacabka ku safra wadada xiriirisa Baydhabo iyo Muqdisho ay la kulmaan.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in dhibaatooyin joogta ah ay la kulmaan shacabka ay ku matalaan golaha shacabka ee ku safra wadooyinka gobolada dalka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka ee ka soo jeeda degaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in kulan gaar ah laga yeelan doono xal u helida xaaladaha taagan.

Waxa uu xusay in guddoonka golaha shacabka ay u gudbiyeen cabashooyinka iyo dhibaatooyinka heysta shacabka Koonfur Galbeed hadana ay rajeynayaan in golaha shacabka u gudbinayaan.