Wasiirka Gaashaandhiga oo Maanta Kulan La Qaatay Saraakiil Ka Tirsan Midowga Yurub

0
107

Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed ayaa maanta la kulmay sarkaalka Midowga Yurub siyaasadda dibadda ee bariga iyo Koonfurta Afrika u qaabilsan Eric Galvin ayagoo isku afgartay in Midowga Yurub ay kordhiyaan taageerada Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Midowga Yurub ka caawin doonaan dib u dhiska xeriyaha ciidanka xoogga dalka, kor u qaadista xirfadda shaqaalaha shacabka ah ee wasaaradda iyo arrimaha kale oo muhiim ua ah howlaha wasaaradda.

Wasiir Xasan ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan helitaanka xuquuqda askarta ciidanka Soomaaliya isla markaana loo baahan yahay in loo diyaar garoobo sidii Shabaab dalka looga xoreyn lahaa.

Kulanka ayaan eheyn kulankii ugu horeeyey ee uu wasiirku la kulmo saraakiil ka tirsan midowga yurub tan iyo intuu uu xilka qabtey.