Guddoomiyha Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheeh C/raxmaan maanta gaaray Magaalada Jowhar ee caasimadda maamul goboleedka Hirshabeelle.
Gudoomiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magalada jowhar kusoo dhaweeyay Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare, ku-xigeenkiisa Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Cusmaan Barre Maxamed iyo tiro Wasiiro.
Madaxda Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay inay ku farxsan yihiin safarka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu maanta ku tagay Magaalada Jowhar.
Ujeedka safarka gudoomiyaha ayaa la sheegay in uu yahay inuu furo Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle isla markaana uu kulamo la qaato hogaamiyeyaasha maamul goboleedka hirshabeele.