Wasiirka Wasarada Gaadiidka iyo Duulista oo Sheegey In Dalka Ansan Ka Howlgeli Karin Shirkadaha Diyaradaha aan Buuxin Sharuudahii Loo Baahnaa

0
59

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Duulista iyo Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomar ayaa sheegay in Diyaarad aan sharuudaha looga baahan yahay u dhameystirneyn ay ka shaqo gali garin Garoonka Diyaaraha Adan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Si loo hubiyo adeegyada ay u baahan yihin diyaaradaha ka soo dego iyo kuwa ka baxa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyo badqabka isticmaalka hawada dalka ayuu ku saleysnaa kormeerka maanta Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada oo ay wehliyaan Maareeyeyaasha Garoonka.

Wasiirka ayaa faray Shirkadaha Diyaaraha iney ka shaqeeyaan in rakaabyada ay heleen adeegyo dhameystiran waxa kale uu sheegay in ganacsatada aan sharuudaha looga baahan yahay buuxinin aysan ka howlgalin karin Garoonka.

Wasiir Oomaar ayaa sidoo kale sheegay in Wasaraadda oo kaashaneysa Dowladda ay diyaar ula tahay shaqalaaha in la siiyo tababaro dheeraad si ay u gutaan shaqadooda waajibka ah.