Wasiirka Wasaaradda Maalyadda Dowlada Federaalka ah Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda ee aanan soo xadirin shaqada aysan qaadaneyn wax mushaar ah.
Waxa uu sheegay in mushaar la siinayo oo uu xaq u leeyahay qofkii u shaqeeya dowladda ee soo xaadira waqtigii loogu tala galay, kuna baxa waqtiga shaqada laga tagayo.
Dr. Bayle ayaa waxa uu intaas ku daray in ay jiraan dad dowladda shaqaale ahaan ugu qoran balse meelo kale ka shaqeysta, wuxuuna tilmaamay in arrintaasi ay dhammaatay.
Waxa uu sheegay in loo baahan yahay qofkii safraya ama ay dan qabsato ay ogeysiiso madaxda ka sareysa si loola socdo cudur daarka oo uu qofka shaqada uga maqan yahay.