Maamulka Jubaland oo Maanta Garoonka Diyaaradaha Kismaanyo Kasoo Celiyey Teliye Cusub oo Loo Magacaabay Xerada 43aad

0
56

Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee maamul goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay garoonka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in garoonka ay ka celiyeen wafti uu hoggaaminayo taliye cusub oo loo soo magacaabay ciidamada xerada 43-aad ee federaalka ee qaabilsan gobolada Jubbooyinka, wuxuuna sheegay in aanan lagala tashanin soo magacaabista.

Taliyahan cusub ayaa lagu magacaabaa General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee dowlad goboleedka Jubbaland, Ciidamada guutada 43-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Kismaayo waxaa hadda taliye ka ah General Ismaaciil Saxardiid.

Gen. Bagmadoow oo horey uga tirsanaan jirey ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, balse sanadihii dambe qurbaha ku maqnaa ayaa darajada jananimada loo dalacsiiyay bishii hore.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda federaalka, balse arrintan ayaa imanaysa xilli la isu diyaarinayo shirka arrimaha amniga looga hadlayo ee dhawaanta ka furmayo magaalada Brussels.

Waxaa shirkaas ku wada casuuman madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo uu ka mid yahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).