Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Sheekh Mukhtaar Roobow uu Yahay Musharaxa Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed

0
50

Warar aynu ka helneyo ilo kala gedisan oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur yahay Musharax raba inuu u tartamo xilka madxweynenimada maamulka koonfur galbeed somaliya oo ay doorashadiisu dhici doonto bisha novembar ee fooda inaga soo heysa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Sheekh Mukhtaar ay ka codsadeen isla markaana ku dhiira geliyeen in uu xilkaasi u tartamo siyaasiin iyo waxgarad kasoo jeeda koonfur galbeed si loo badbaadiyo shacabka iyo deegaanada koonfur galbeed.

Ololaha musharaxnimo ee Abuu Mansuur ayaa waxaa horboodaya Xildhibaano ka tirsan maamulka koonfur galbeed iyo weliba kan federalka waxaa kaloo ayana howsha dhinac kaga jira ururuda bulshada ee ku sugan magalada baydhaba wexeyna sheegeen dhamaantood in isbedel siyaasadeed loo bahan yahay in uu ka dhoco koonfur galbeed.

Waxaa kaloo jira warar la isla dhex marayo oo ayagana sheegaya in ay jiraan musharixii badan oo ayagana raba in ay xilkaasi isu soo sharaxaan sida aynu wararka ku heleyno musharixiintaasi waxaa ugu horeeya, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Xildhibaan Maxamuud Maxamed Boonow, Xildhibaan Xaaji Cali Maxamed Nuur iyo qaar kale oo weli hoos ka guuxaya.

Si kastaba arintu ha ahaatee shacabka koonfur galbeed ayaa ah shacab u baahan iney helaan is bedel siyaasadeed oo ku dhisan waxqabad, horumar iyo weliba nabad si deegaanadooda ugu noolaadaan, Shacabka koonfur galbeed ayaan weligoodba nasiib u yeelan iney helaan hogaan sax ah oo ka danqada danaha shacabka iyo deegaanadooda.