Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo Digniin u Direy Askarta Dhibateyneysa Shacabka

0
64

Wasiirka Gaashaandhiga iyo qaar ka mid ah Taliyeyaasha ciidamada ayaa shalay koormeeray talisyada ciidamada ay ku leeyihiin gobolka shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya General C/weli Jaamac Gorod ayaa sheegay in aysan aqbali doonin askari dhibaateynaya shacabka.

Taliyaha ayaa xusay in ciidamada ka howlgala gobolada dalka looga baahan yahay iney dhaca iyo dhibaatada ka joojiyaan shacabka.

Wasiirka Wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Cali Xasan (Amar dambe) ayaa sheegay in ay dib u howlgelinayaan xarumihii ciidamada ee gobolada dalka, Waxa uu tilmaamay in ay joogteynayaan xuquuqda ciidamada dibna u howlgelinayaan xarumihii ciidamada.