Wareegto Kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha oo lagu Magacaabay Gudoomiyeyaal Maxkamad

0
221

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxakamadda Racfaanka Gobolka Banaadir kadib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed

Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed oo muddo ka soo shaqeynayey Garsoorka dalka, sidoo kalena ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka, halka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi oo aqoon durugsan u leh Shareecada iyo Qaanuunka loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka.

Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan waxa uu xilalkii kaga qaaday Guddoomiyeyaashiii hore ee Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkmadda Racfaanka Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Cabdullaahi Weheliye iyo Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed, isagoona dhanka kale u rajeeyay Gudoomiyeyaashii hore mustaqbal wanaagsan.