Inaalilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

0
164

Inaalilaahi wa ina ileyhi raajicuun bahda daafeet media waxaa ay halkan tacsi tiiraanyo leh uga direysaa eheladii iyo qaraabadii uu ka geeryooday Guudle Maxamed Nuur oo maanta gacan ka gardaran ku dishey duleedka degmada afgooye.

Alaha u naxariistee Guudle Maxamed Nuur ayaa waxaa uu ahaa odey rug cadaa ah oo ka tirsan odayaasha sida aadka looga yaqaan degmada afgooye, Marxuunka ayaa la sheegay kolkii la dilayey in uu ku sugnaa deegaanka doonta ee duleedka degmada afgooye.

Hadeynu nahay bahda daafeet media waxaanu leenahay samir iyo imaan ilahay ha inaga wada siiyo janadii fardowsana ilaahay haka waraabiyo.