Maqaal: Xaajo Daamo la Qabto Malaha ee Dabo la Qabto ayey Leedahay !!

0
111

Waa xikmad oo leh murti mug weyn misana aan u doortey inaan cinwaan uga dhigo qoraal aan rabo inaan la wadaago qeybaha kala duwan ee mujtamaca Soomaaliyeed.

Waxaa hubinta ah qofkasta caafimaad Allah ku maneystey damiir iyo dareen bani,aadinimo leh kama aamusi karo arimaha saameynteeda leh oo amni daro ka jira dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Sanadkii 1992 aakhirkeeda masiibadii dagaalada sokeeye ka dhaceen magaalada Baydhabo aya loo baxiyey magaaladii geerida maxaa yeeley macluul iyo cuduro ka dilaacey awgeed wagaasi ayaa loogu bixiyey.

Hadaan usoo daadego dulucda qormadeydan waa mid ka tarjumeyso arimaha waaqiciga ah oo ka jira Magaalo madaxda Dalka Soomaaliya Kuna saabsan Amniga oraah ayaa jirta (NOQ NOQOTAYE MA NAQBAA KUU DA,EY) qaraxa sida tooska ah loola beegsanaayo halbowlaha iyo xarumaha dowlada maaha mid sahlan ceebna maaha hadaad ku fashilanto masuuliyadaada inaad tiraaho waan fashilmey tiina ma muuqato, Muqdisho malaha maqaam u gaar ah lagula xisaabtamo waayo? Waxaana wada jooga ciidamada ugu badan oo noocyo badan leh dadweynaha ku nool waa dhibanayaal eedeysan dhan walbo, Ganacsiga cashuurtiisa waa laba afle ah .

Madaxda dalka ayan waxan xasuusta xiliga tartanka hogaaminta inuu dhahey ajande siyaasadeed uu uga gol lahaa in lagu taageero Madaxweyne M .Farmaajo waa tuu dhahey abaal marin lacageed, dib udhis ama dayactir inuu u sameeynaayo dhismihii wax ku gaaraan qaraxyada iyo in meel ka amaan badan dalka ku noolaan doono shakhsigii kala shaqeeya amniga IWM.

Mucaarad oo aan la aqoonsaneyn sababtoo habdhaqanka siyaasiga mid muxaafid iyo mucaarad waa wax ka jira caalamka oo weyna wada fadhiistaan iyagoo ka siman danta guud ee Dalkooda waa marka ay jirto isqaderin tiina ma muuqato waxa jira wax la yiraahdo (disscrime plotic & personal attack) .

Waxaa ila quman in meel looga soo wada jeesto shacab iyo Xukuumada oo garabsaneysa xisbiyada mucaaradsan in muhiimad gaar ah la siiyo amniga magaaladan mootanoo nool ee Muqdisho ka dib waddooyinka kala xiran ee Gobollada .

Okash Sugow Mohamed
Sugoow55@hotmail.com