Qaar Ka Tirsan Warbahinada Ka Howlgala Magalada Muqdisho oo Iska Qora Wax Eysan Hubsan

0
72

Qaar ka tirsan warbahinada ka howlgala magalada muqdisho ayaa maanta waxaa ay qoreen arin been abuur ah oo ay kasoo min guuriyeen websidyo kale oo ku shaqeeya qaab gurucan oo aan ku dhisneyn qaabka loogu tala galay warbaahinta.

Qoraalkan ay qoreen warbaahinadaas ayaa lagu sheegey in nin odey ah oo weliba biri mageyto ah oo beertiisa ay maanta ku dileen kooxo hubeysan deegaanka Doonka ee duleedka degmada afgooye in uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka nabadsugida arintaas oo noqotey wax lala yaabo.

Odeygan la diley ayaa ka tirsanan jirey ciidanka xooga dalka somaliyeed isagoo jagooyin kala gedisan kasoo qabtay xukuumadii dowlada kacaanka markii ugu dambeysana ahaa Taliyaha qeybta 26aad ee gobolka waqooyi galbeed, Tan iyo intii ay burburtey dowladaasna waxaa uu ka mid ahaa shacabka somaliyeed ayadoo dhowr jeer ay xukuumadihii kala gedisnaa ay weydiisteen in uu kusoo laabto ciidanka balse uu iska diiday uuna ka door bidey in uu beertiisa iska fasho.

Maxuun Guudle Maxamed Nur ayaa 28 sano ee lasoo dhaafay waxaa uu ku sugnaa gudaha dalka somaliya gaar ahaan deegaanka maanta lagu diley halkaas oo uu beer kulahaa, Balse su’aasha la is weydiinaya ayaa waxaa ay tahay kooxaha leh wuxuu ka tirsanaa ciidanka dowlada maxaa keeney inay maanta lasoo shir tagaan arinkaas maadama aysan weligoodba horey ula hadlin.

Shaqada warbaahinta ma aha iney ay shacabka ku xiran ay kula soo cararaan wax walba oo ay qoraan koox dano gaar ahaaneed ka leh falka ay geystaan, Warbaahinta waxaa looga baahan yahay in ay baaritaan ku sameeyaan waxa dhacay kadibna ay bulshada usoo gudbiyaan waxa saxa ah ee dhacay.

Anago u nasteexeyna warbahinadan webkooda ku qorey arintan been abuurka ah ayagoon baaritaan sax ah sameyn in ay dhowraan sharafta warbaahinta isla markaana shacabka ku xiran ay usoo gudbiya waxa saxa ah ee jira, Waa qalad waana nasiib daro in maanta Odey 80 jir ah oo beertiisa dhex taagan inta la dilo hadana marka qiilka lagu diley la garan waayey lagu eedeeyo wax uusan shuqul ku laheyn.