Wasiirka Amniga oo Edeyn iyo Dhaliil Usoo Jeediyey Siyasiyiinta Iyo Shacabka Ka Qeyliya Wadooyinka Xiran

0
50

Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya ayaa eedeyn u jeediyay dadka Shacabka iyo Siyaasiyiinta isugu jira ,kuwaasoo dhaliila xirnaanshaha Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in dadka dhaliilaya xirnaanshaha waddooyinka Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwa Al-Shabaab ay ka hadalsiiyaan.

Waxaa uu Ammaan u jeediyay Ciidamada xasilinta oo uu sheegay in ay ku guuleysteen in ay suggaan Amniga Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu xusay in Al-Shabaab ay la mid yihiin shacabka islamarkaana marka waddooyinka la xiro Dad Shabaab ay ka hadal siiyaan dhaliilo u jeediyaan xirnaanshaha wadooyinka.

Shacabka Muqdisho ayaa Cabasho xooggan ka muujiyay xirnaanshaha Wadooyinka Muqdisho, iyadoona ay xusid mudan tahay in Qaraxyo ay dhacayaan iyadoo ay wadooyinka xiran yihiin.