Kulan looga Hadlayey Arimaha Somaliya oo Maanta Ka Furmey Magaalada Brussels

0
58

Magaalada Brussels ayaa maanta waxaa ka furmey shir looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya, waxaana shirkaan ka qeyb galay dad ka badan 82 qof oo xilal kala duwan ka haya Soomaaliya, Kuwaasi oo ka kala socda hay’addaha gargaarka, iyo waliba ururada bulshada rayidka ah dhanka kale waxaa kulankaas kasoo qeyb galey xubno ka socda beesha caalamka.

Shirkan oo daba socda Shirkii lagu qabtay magaalada London bishii May 2017-kii ayaa waxaa lagu Casuumay oo ka qeyb galaya Madaxda Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada, iyo Ururada Bulshada Rayidka.

Madaxda maamul goboleedyadda qaarkooda ayaa Shirka Khudbad ka jeediyay, waxaana ay si kooban uga hadleen Waxyaabaha ay Soomaaliya ay u baahan tahay in laga caawiyo wexeyna sidoo kale ka gaabsadeen iney ka hadlaan carqaladaha ay ku hayaan dowlada dhexe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo Khudbad ka jeedinaayay Kulanka ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay Wadada hormarka, loona baahan yahay in la siiyo taageero Mideysan oo dowladda Soomaaliya si toos ah gacanta loogu soo galiyo dhaqaallaha lagu taageero.