Taliyaha Ciidanka Nabadsugida oo Maanta Shaqada Ka Joojiyey Laba Sarkaal

0
112

Warqad Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska agaasimaha hay’adda Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in shaqadii laga joojiyay laba sarkaal oo sare oo ka tirsanaa hay’adda.

Saraakiishan shaqo joojinta lagu sameeyay ayaa kala ah Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed oo ah Taliye xigeenka koowaad ee NISA iyo Cabdulqaadir Maxamed Nur Jaamac oo ah taliye ku xigeenka Labaad.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta shaqo joojintan keentay, hasse ahaatee ilo ku dhaw dhaw xafiiska saraakiisha shaqada laga joojiyay ayaa warbaahinta u sheegay in Qoraalkaasi uu ka soo baxay taliska sare hay’adda Sirdoonka Qaranka.