Akhriso Warmurtiyeed Ay Si Wadajir ah u Saareen Wasiirada Kaluumeysiga Maamul Goboleedyada

0
187

Wasaaradaha Kalluumeysiga maamul goboleedyada dalka ayaa joojiyay wada shaqeyntii ay la lahaayeen Wasaaradda Kalluumeysiga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shir ay isugu yimaadeen magaalada Kismaayo Wasiiradda Wasaaradaha Kalluumeysiga maamul goboleedyada Jubbaland, Puntland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa waxay ka soo saareen war murtiyeed ka kooban dhowr qodob.