Beesha Caalamka oo Sheegay In Somaliya Ay Ku Taageeri Doonto 200 Milyan Euro

0
55

Beesha Caalamka ayaa ku dhawaaqday in dowladda Soomaaliya ay ku taageeri doonto lacag dhan 200 milyan euro si wax looga qabto dhaqaallaha, Amniga iyo Siyaasadda.

Beesha Caalamka waxa ay sheegtay in xilliggaan loo baahan yahay in si weyn loo xoojiyo taageeradda la siiyo Soomaaliya si loo soo Afjaro dhibaatooyinka ka taagan dalka.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in uu dhaqaale badan ku bixin doona shaqo Abuurka dhalinyaradda iyo Arrimaha Gargaarka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku rajaweyn in ay soo gaarto lacagtaasi,iyada oo aan lasoo marsiin Hay’addo iyo Ururo ka shaqeeya Arrimaha Soomaaliya.

Ma aha markii ugu horeysey oo ay beesha caalamka dhaqaale intan la eg ay ku bixiyo dalka somaliya balse waxaa mar walba adkaata in lacgtaas sidii loogu tala galay loo isticmaalo aydoo inta badan lacagaas ay ku dhamaadaan jeebabka hey’adaha gargaarka iyo weliba siyaasiyiinta somaliyeed.