Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Maanta Xafiiskiisa Kula Kulmay Safiirka Dalka Qadar u Fadhiya Somaliya

0
46

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Amb. Xasan Xamza.

Kulanka waxaa loogu hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood iyo Sidoo kale kulanka waxa loogu hadlay wada shaqeynta baarlamaanada labada dowladood ee Qadar iyo Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa.

Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Amb. Xasan Xamza ayaa guddoomiyaha golaha shacabka kaga mahad celiyay sida diiran ee uu xafiiskiisa ugu soo dhaweeyay.

Guddoomiyaha golaha shacbaka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in dowladda Qadar ay kaalin weyn ka qaadaneyso hormarka dalka ka socdo.

Guddoomiyaha ayaa safiirka kaga mahad celiyay dadaalada uu ku xoojinayo xiriirka labada dowladood iyo labada baarlamaan.