Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Brussells Kula Kulmay Feysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galeyr.

0
105

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa magaalada Brussels kula kulmay Guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe iyo Hoggaamiyaha Khaatuma Cali Khaliif Galeyr.

Kulankan oo qaatay saacad iyo wax ka badan ayaa waxaa codsaday Madaxweyne Farmaajo, iyada oo looga hadlay arrimo la xiriira Soomaaliya iyo Somaliland.

Sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay kulanka ay la yeesheen Madaxweyne Farmaajo inuu ku soo dhamaaday is fahan, isaga oo sidoo kale sheegay inay ka dalbadeen in xanafta laga fogaado, si uu u yimaado isku soo dhawaansho.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in Soomaaliya iyo Somaliland looga baahan yahay inay ku daydaan Itoobiya iyo Ereteriya oo in ka badan 20 sano colaad ay ka dhaxeysay heshiiyay.