Madaxweynaha Maamulka goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dowladda dhexe ku dhaliilay hanaanka ay u wajaheyso wada hadalada Somaliland.
Gaas ayaa sheegay in Muuse Biixi uusan go’aan ka gaari karin in Somaliland ay la midowdo Soomaaliya sidaas darteed loo baahan yahay in wadatashiyada iyo kulamada labada dhinac la xoojiyo.
Waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la qabto kulamo waaweyn oo shacabka u dhaxeeya, waxa uu xusay in maamulka Somaliland ay qasbeyso shacabka ku nool gobolada Sool iyo Sanaag.
C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa hadalkan ka jeediyey xaflad soo dhaweyn ah oo habeenkii xaley loogu magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka.