Inta badan Isgoysyada muhiimka ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa saaka laga qaaday Ciidamadii ka tirsanaa xasilinta ee Bilihii ugu dambeeyay ee halkaasi ku sugnaa.
Goobaha ciidamada laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Sanca, Afarta Jardiino, Florence H/wadaag, Bakaaraha illaa Tarbuunka.
Arrintan ayaa u sahashay in uu mar kale dib u soo laabto isku socodkii gaadiidka dad-weynaha oo dhibaato weyn markii hore ku qabay xirnaashaha iyo Koontaroollada tiro dhaafka ah ee magaalada gudaheeda yaalay.
Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay ka jawaabtay cabasho is-daba joog ah oo maalmihii ugu danbeeyay ka imanaya qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magalada.