Gudiga Difaaca Baarlamaanka oo Ka Shirey Tacdiyaadka Ka Socda Gobolka Shabelaha hoose

0
47

Guddiga difaaca ee golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in maxkamad la soo taagayo sharcigana la waafajinayo saraakiishii ku lug lahayd kufsiga iyo tacadiga ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in shacab fara badan lagu dhibaateeyay gobolka Shabeellaha Hoose iyaga oo ku safraya wadooyinka sidaasi darteedna loo baahan yahay in la helo cid qaadata Masuuliyadaas oo loo maxkamadeeyo.

Kulan maalintii shaley ay ku yeesheen magalada guddoomiyaha golaha shacabka iyo Xubnaha guddiga difaaca ee golaha ayaa waxaa intiisa badan looga hadayey dhibaatooyinka xad dhaafka ah ee ka jira gobolka shabelaha hoose kaasoo ay intiisa badan geystaan askar ku labisan dareyska dowlada.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo ka mid ah Guddiga difaaca ee golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in guddigooda uu ka shaqeynayo sidii sharciga loo marsiin lahaa dadka dembiyada ka gala shacabka ku safra wadooyinka gobolka shabelaha hoose.