Qaramada Midoobey oo Sheegtey Iney Dib u Dejin Ku Sameyn Doonto Somalida Ku Jirta Xeryaha Qaxootiga

0
105

Inka badan 1 Milyan oo Soomaali ah ayaa ku barakacay meel ka baxsan Soomaaliya iyaga oo isugu jira magan galyo doon iyo qaxooti, waxaana 767,500 ka mid ah ku sugan yihiin dalka Ethiopia, 255,500 oo ku nool dalka Kenya iyo 256,000 oo ku nool dalka Yemen.

Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii xal waara loogu heli lahaa qaxootigaasi Soomaaliyeed, loona suuro geliyo inay dib u dhistaan dalkooda halkii ay magangalyo doon ku noolaan lahaayeen.

Hay’adda ayaa sheegtay inay ka taageereyso dadkaasi sidii ay dalkooda dib ugu soo laaban lahaayeen, waxaana 83,669 oo ka mid ahaa dadkaasi Hay’adda ka taageertay inay dib ugu soo laabtaan dalkooda iyaga oo doonayay inay magangalyo ka helaan Sagaal wadan oo kala duwan.

Ugu dambeyn Hay’adda ayaa sheegtay inay sii wadi doonto inay ka taageerto dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay dalkooda ku soo laabtaan sidii ay ku imaan lahaayeen ayna ka qeyb qaadaan lahaayeen dib u dhiska dalkooda.